Baraha bulshadu waxay noqodeen qayb wayn oo ka mid ah nolol maalmeedkeena. Baraha sida Facebook, Twitter, iyo Instagram waxay u ogolaadaan dadka inay ku xidhmaan midba midka kale, wadaagaan macluumaadka, oo ay muujiyaan fikirradooda iyo ra'yigooda. Laakiin barahan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku leh dhaqaalaha.
Mid ka mid ah siyaabaha ugu waaweyn ee baraha bulshadu u saamayso dhaqaalaha waa xayaysiinta. Shirkaduhu waxay isticmaali karaan baraha bulshada si ay ugu xayaysiiyaan alaabtooda iyo adeegyadooda una gaadhsiiyaan dad badan.
Xayeysiisyada baraha bulshadu inta badan waa kuwo ka horumarsan bulshadana ka hor gaadhi og marka loo eego qaababkii barigii hore wax loo xayaysiin jiray.
Tani waxay u oggolaaneysaa ganacsiyada inay gaaraan macaamiil badan oo markii hore ayna gaadhi jirin sidoo kalena ay kor u qaadaan iibkooda.
Baraha bulshadu waxay sidoo kale siisaa fursado cusub ganacsatada iyo ganacsiyada yaryar. Nidaamyada sida Instagram iyo TikTok waxay u fududeeyaan qof kasta inuu bilaabo ganacsi onlayn ah oo uu iibiyo alaabada ama adeegyada.
Dad badan ayaa dhisay ganacsiyo guulaystay iyaga oo ka faa’idaysnaya fursadaha ay baraha bulshadu siiyeen. Intaa waxaa dheer, baraha bulshada waxay saameyn kartaa hab dhaqanka macmiilka iyo qaabka uu wax u iibsanayo. Marka ay dadku arkaan asxaabtooda iyo qoyskooda oo barahooda soo dhigaya wax ku saabsan alaabtii ugu dambaysay ee ay soo gataan, waxay saameyn kartaa go'aanadooda qofka iyo doonista wax iibsigiisa, taasi oo is badal wayn ku keenaysa qaabkii dadku wax u kharash garayn jireen.
Sidoo kale, faafinta macluumaadka qaldan lagu faafiyon baraha bulshada waxay yeelan kartaa saameyn dhaqaale oo taban. Wararka been abuurka ah iyo faallooyinka tabanni waxay dhaawici karaan sumcadda shirkadda waxayna dhaawici karaan iibkooda.
Baraha bulshada
ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan kara waxyaabo ay ka mid yihiin isbedbedelka suuqa saamiyada,
taasi oo keeni karta in mar kaliya shirkad wayn saamiyadeedu dhulka galaan ama shirkad yar saamiyadeedu hawada galaan guud ahaan, saamaynta baraha bulshadu ku leedahay dhaqaalaha
waa mid muhiim ah oo dhinacyo badanna leh. Maaddaama oo ay Barha bulshadu maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kobcayaan horumarkooduna uu sii socdo, saameyntoodada dhaqaale waxay u badan tahay inay noqoto mid aad u qoto dheer, aadna u horumarto sanadaha soo socda.
0 Comments