Latest Aricle

6/recent/ticker-posts

The Impact of Social Media to Mental Health


 



                                               Hordhac:

 Baraha bulshadu ku Kulanto waxay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah nolol maalmeedkeena, iyagoo badalay habka aan u wada xidhiidhno, u wadaagno macluumaadka, iyo habka aan u dhexgalno bulshada. Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaado faa'iidooyinkooda, Barahan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku leh bulshada iyo caafimaadka maskaxda. Ujeedada qormadani waa in aan taabano saamaynta taban ee baraha bulshadu ku xidhiidho ay ku leeyihiin Caafimaadka maskaxda

 Saamaynta taban ee Baraha Bulshada:

     1.  Kordhinta dareenka kalinimada iyo in qofku Bulshada ka dhex baxo:

In qofku wakhti badan ku qaato baraha bulshada ayaa sababaysa in uu ka dhex baxo bulshada iyada oo taasi qofkii ka dhigaysa mid kalidii noole ah oo dadka ka dhex baxsan.


2. Wel-wel iyo niyad jab aad u badan: Isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada ayaa keenaysa in qofku is barbar dhigo dadka kale ee ku jira barahan taasi oo qofka ku keenaysa wel weliyo niyad jab aad u badan.


3.  Hurdo xumo: Iftiinka buluuga ah ee ka soo baxaya shaashadaha iyo soo jiidashada ( xiisaha uu qofku u qabo) baraha bulshadu waxay carqaladayn karaan hab-nololeedyada hurdada caafimaadka leh ( in uu qofku seexdo Hurdo Ku filan).

    4.  La qabatinka baraha bulshada: Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa leh 
     nidaam la qabatineed (addictive pattern), taasi oo qofka ku keenaysa in uu la
     qabatimo oo wax soo saarkiisii hoos u dhaco sidoo kale waxay saamayn ku
     yeelanaysaa xidhiidhada qofka ee nolosha (real world relationship)

    5.  Nolosha tafatiran: Soo bandhigida sawirada la tafatiray iyo muuqaalada la
     habeeyay ee aan xaqiiqada ahayn aya saamaynaysa ku qanacsanaanta qofka u uku
     qanacsanyahay noloshiisa dhabta ah taasi oo dhaawac ku keeni karta maskaxda.

 

   Ugu dambayntii


     Baraha bulshada iyo weliba baraha kale ee internet-ku waxa ay leeyihiin faa,idooyin badan, balse
     hadii la isla xakamayn waayo waxa ay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad iyo mid
    nafsiyadeed(Psycological). 

Post a Comment

0 Comments