Latest Aricle

6/recent/ticker-posts

The Impact of Social Media on Politics

 





Hordhac

Soo ifbaxa baraha bulshada ayaa si weyn u beddelay dhinacyo badan oo nolosha
casriga ah, waxaana ka mid ah siyaasadda. Baraha sida Facebook, Twitter, Instagram, iyo YouTube waxay si qoto dheer u beddeleen sida macluumaadka siyaasadeed loo faafiyo, sida musharrixiintu u ol'oleeyaan, iyo sida muwaadiniintu ula falgalaan dawladahooda iyo dhexdooda. Maqaalkan wuxuu ka hadli doonaa saamaynta badan ee baraha bulshada ku leeyihiin siyaasadda, isagoo iftiiminaya faa’iidooyinka iyo cawaaqibka xun ee ay leeyihiin.


Kor u qaadida Ka-Qaybgalka Siyaasadeed

 Mid ka mid ah saamaynta ugu weyn ee baraha bulshada ku leeyihiin siyaasadda waa kororka ka qaybgalka iyo in ay ku dhiirri-geliyaan muwaadiniinta ka qayb qaadashada siyaasada. Baraha bulshada waxay u oggolaadaan isticmaaleyaasha inay si degdeg ah u helaan macluumaad siyaasadeed oo ballaaran, laga soo bilaabo wararka iyo maqaalada, aragtiyaha ilaa dhacdooyinka iyo doodaha tooska loo tabinayo. Helitaanka noocan ah wuxuu horseedi karaa in ay soo baxaan codbixiyeyaal ka warqaba cida ay dooranayaan.

Abaabulidda Dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed

Baraha bulshada waxay door muhiim ah ka ciyaareen abaabulidda dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo mudaaharaadyada adduunka oo dhan. Guga Carabta, Occupy Wall Street, iyo mudaharaadkii Black Lives Matter waa tusaalooyin caan ah, kuwaasi oo baraha bulshadu ay door muhiim ah ka ciyaareen abaabulka, wacyigelinta, iyo taageeradoodaba.Aisoo kale Barahani waxay bixiyaan meel ay shaqsiyaadku ku wadaagaan waaya-aragnimadooda, ku abaabulaan ficilladooda, oo ay ku fidiyaan codkooda.

Dhiirrigelinta Cod-bixinta

Ololayaasha iyo ururrada siyaasadeed waxay isticmaalaan baraha bulshada si ay u dhiirrigeliyaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo ka qaybgalka. Xayaysiisyada bartilmaameedka ah, iyo waxyaabaha barahan lasoo dhigo ayaa ku dhiirrigelin kara isticmaaleyaasha inay ka qaybqaataan doorashooyinka. Ka-qaybgalka noocan ah ee dhijitaalka ah ayaa si gaar ah waxtar ugu yeelan kara kooxaha da'da yar ee badanaa aan u badnayn codbixinta laakiin aad ugu firfircoon baraha bulshada.

Beddelidda Ololaha Siyaasadeed

Baraha bulshada waxay beddeleen qaabkii hore ee ay ahaan jireen ololayaasha siyaasadeed, iyagoo siinaya qaab cusub oo ay musharrixiintu kula xidhiidhaan codbixiyeyaasha oo ay ku dhisaan taageeri dadweyne.

Xidhiidhka Tooska ah

Musharrixiinta iyo madaxda la soo doortay waxay si toos ah ula xidhiidhi karaan dadweynaha iyada oo loo marayo baraha bulshada, iyagoo aan u baahnayn warbaahinta caadiga ah sida TV-yada iyo Idaacadaha. Baraha sida Twitter waxay u oggolaadaan siyaasiyiinta inay la xidhiidhaan, uga jawaabaan dhacdooyinka, oo ay la falgalaan dadka deegaanka xilli kasta, taasi oo wanaajinaysa xidhiidhka u dhaxeeya siyaasiyiinta iyo bulshada

 Bartilmaameedka iyo Falanqaynta Xogaha

 Baraha bulshada waxay ururiyaan xog aad u tiro badan oo ku saabsan hab-dhaqanka isticmaalaha, iyo waxa uu doorbidayo,. Ololayaasha siyaasadeed waxay adeegsan karaan xogtan si ay u bartilmaameedsadaan isticmaalayaasha taageersan siyaasadooda iyaga oo u diraya farriimo ay kaga odsanayaan codkooda. Qodobkan ayaa laga isticmaalaa Dalalka reer yurub qaar ka mid ah iyo wadamo kale oo dunida ah sida maraykanka.

Caqabadaha iyo Khilaafaadka

In kasta oo baraha bulshada ay bixiyaan faa'iidooyin badan oo ku saabsan ka-
qaybgalka siyaasadeed iyo ololaha, waxay sidoo kale keenaan caqabado iyo muranno waaweyn, taasi oo khalkhal iyo xasilooni la,aan ku keenaysa bulshada.

 Macluumaadka Khaldan iyo Wararka Been Abuurka ah

Faafinta macluumaadka khaldan iyo wararka been abuurka ah ee baraha bulshada waa arrin aad u badan marka la joogo siyaasada. Macluumaadka beenta ahi si dhakhso ah ayay u faafi karaan, isagoo saameynaya ra'yiga dadweynaha iyo suurtagalnimada inay saameyn ku yeeshaan natiijooyinka doorashooyinka. Arintan ayaa iyaduna sidoo kale keeni karta xasilooni la,aan iyo khalkhal amni oo ku yimadaada bulshada.

Gunaanad

Saameynta baraha bulshada ee siyaasadda waa mid qoto dheer oo dhinacyo badan leh. Inkasta oo madalahaasi ay bixiyaan fursado cusub oo ku saabsan ka-qaybgalka siyaasadeed, iyo ololaha, waxay sidoo kale keenaan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan faafinta macluumaadka khaldan, kordhinta kala qaybsanaanta. Maadaama oo is badalka baraha bulshada uu yahay mid sii kordhaya, sidoo kale doorkooda siyaasadeed ayaa la rajaynayaa in is badallo, taasoo u baahan dadaallo joogto ah si loo faa’iidaysto faa’iidooyinkooda iyada oo la dhimayo khatarahooda.

 

Post a Comment

0 Comments